Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Feysal Cali shire ayaa shir gudoomiyaha kulan looga hadlayay xaalada wax ka qabashada Daadadka ka dhashay Roobabkii ka da’ay Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug
Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo ku xigeenkiisa labaad ayaa magacaabay 3 gudi oo loo xilsaaray wax ka qabashada dhiabatooyinka ay sababeen Roobabkii saacadihi la soo dhaafay ka day day Magaalada Gaalakcyo
Waxayna gudiyadaasi kala yihiin :
Guddiga guud ee xaalada daadadka iyo Xal u helida Masiibooyinka kadhasha oo ka kooban 11 Xubnood.
Guddiga u gargaarka dadka go’doonsan kuwa barakacay iyo fayo-dhawrka.
Guddiga xal u helida biyaha iyo furida kanaaladii biyuhu mari jireen iyo biyo-booliyada. Guddigaas 6da xaafadood ee Magaalada xaafad walba waxaa ka imaanaya kana hawl galaya 11 xubnood oo ah gudiga, Vuddigaas waxay ka war bixinayaan meelaha biyuhu fadhiyaan iyo sidda loo saari karo biyahaas.
Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay dhamaan intii xalay shaqaysay oo shacabka la dareen ahayd.
Sido kale Taliye Kuxigeenka qaybta Boliska Gobolka, isu-duwe yaasha Gargaarka iyo deegaanka, Duq kuxigeenka Degmada, Xoghayaha Xegmada, Agaasimaha Mashaariicda Gobolka Xildhibaano Guddomiyayaasha Xaafadaha iyo sariikiil kale oo katirsan qaybta.
Ugu dambayn guddiyayadaas ayaa dhamaantood u hawlgalay shaqadii loo xilsaaray.