AKHRISO:- Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0

Waxaa sii kordhaya dilalka Soomaalida loogu geysanayo waddanka Koonfur afrika, waxaana saacadihii la soo dhaafay Gudaha dalkaas lagu dilay laba Dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo kamid ahaa Soomaalida ka Shaqeysata dalkaasi Koonfur Afrika.

Kooxo hubeysan oo Burcad Koonfur Afrika ah ayaa Alle ha u naxariistee ku dilay Degaanka Gugulethu ee hoostaga Magalada Cape Town laba muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu kala Magacaabi jiray Abuukar Cumar Cosoble iyo Xuseen Axmed Maxamed Qoslaaye iyo Nin kale oo u dhashay dalka Itoobiya.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in Kooxaha burcadda ah ay dilka kaidb boob u geysteen Hantidii taallay dukaanka ay ka Shaqeeynayeen Dhalinyarada Soomaalida ah oo ay dileen, iyaga oo intaas kaidb goobta ka baxsaday.

Ciidamo katirsan Booliska Koonfur afrika ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaano wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan raggii Burcadda ahaa.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa muddooyinka joogto ka noqday dilalka loo geysanayo Soomaalida, waxaana muddo Saddex Cisho gudahood ah lagu dilay ilaa lix qof Soomaali ah.