AKHRISO:- Puntland oo Hay’adaha Samafalka kala hadashay u gurmashada dadka ay saameeyeen daadadka Rooobka

0

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland , Feysal Sheikh Cali oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Gobolka Mudug ayaa kulan laqaatay hay’addaha UN-ka iyo NGO yada waxaa shirkaas ka soo qayb galay isu-duwe yaasha Gargaarka, Deegaanka, Haweenka, Warfaafinta, Ku xigeenka Duqa Dagmada Gaalkacyo, Xoghayaha Dagmada, Agaasimaha Mashaariicda Gobolka, Gudoomiyaha ururka Haweenka Gobolka

Shirkaas ayaa waxaa diiradda lagu saaray 3 qodob oo kala ah

In si dag dag ah hay’addahu ugu jawaabaan Masiibada rabaaniga ah ee daadadku keeneen.
In la qiimeeyo baaxada khasaaraha intuu le’eg yahay.
In Guddi wada jir ah la qabto oo isugu jira Maamulka iyo Hay’addaha.
Ugu dambayn waxaa la isku raacay in guddigu laban laabo dadaalada isla markaana siwadajir ah loo wajaho siddii xal loogu heli lahaa Biyaha Magaalada fadhiya.

Shirkaan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay Magaalada Gaalkacyo uu ka da’ay roob xooganaa oo daadad watay, kaas oo guud ahaan kala xiray waddooyinka Magaalada, isla markaana dadka qaar ay ka barakaceen.