Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay shaacisay in 45 Askar Maraykan ah lagu dhaawacay Duqeymo lala beegsaday Saldhigyada Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin dalalka Syria iyo Iraq.
Duqeymahaasi waxaa geystay Maleeshiyo ka soo horjeeda Duqeymaha ay Israel ku hayso dadka reer Falastiin ee ku sugan magaalladda Qasa ee go’doonsan iyo qeybo ka mid ah Deegaanada Daanta Galbeed.
Shaacinta dhaawacyada soo gaaray Askarta Maraykanka waxay ku soo beegantay, iyadoo Ciiddamo Maraykan oo dheeraad ah iyo Maraakiibta Dagaalka oo uu ku jiro Gujis Nukliyeerka xambaarsan ay gaareen Mandiqada Bariga Dhexe iyo Bariga Badda Mediterranean Sea, si ay u difaacaan Askarta iyo Danaha Maraykanka.
War kale oo soo baxay waxa uu sheegayaa in wax yar ka hor weeraro lala beegsaday Saldhigyada Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin dalalka Syri iyo Iraq.
Ilo dhanka Warbaahinta ayaa sheegay in tiro Diyaaradaha Daroonka qeyb ka ahaayeen Weerarada lagu qaaday Saldhigyadaasi.