Wararka naga soo gaaraya degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta lagu dilay Laba Nin oo kasoo jeeda Qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya, kuwaas oo deganaa degaankaas.
Falka dilka ayaa waxaa goobjoogayaal sheegeen inay ka dambeeyeen Rag Soomaali ah, kadib markii labada dhinac uu khilaaf soo kala dhex-galay, iyada oo raggii dilka ka dambeeyay ay Goobta ka baxsadeen.
Dad ku sugan degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag ayaa Warbaahinta u sheegay inay maqleen dhawaqa rasaasta lagu dilay labada qof ee Oromada ah sidoo kalena falkaasi ay ku dhaawacmeen laba ruux oo kale oo Soomaali iyo Oromo ah kala ah.
Ciidamo katirsan laamaha Amniga degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag oo tegay halka uu dilka ka dhacay ayaa sheegay inay ku raadjoogaan raggii dilka geystay, isla markaana ay rajeeynayaan inay dhawaan gacanta kusoo dhigaan.
Dadka kunool degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag ayaa walwal a muujiyay dagaalka dhexmaray Soomaalida iyo Oromada ee sababay in laba qof Oromo ah la dilo, kuwaas oo degaanka u yimid inay ka Shaqeystaan.
Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa kusoo qul qulayay degaanka Mixlo ee Gobolka Sanaag Qaxooti aad u farabadan oo Oromo ah, kuwaas oo badankood degaankaas u yimid inay Dahabka ka qotaan, halka qaarkood Ganacsiyo yaryar ay ku heystaan.
Ma ahan markii ugu horeysay oo rag Qaxooti Oromo ah lagu dilo Gudaha dalka Soomaaliya, waxaana dhowr jeer lagu dilay degaano katirsan Puntland, waxaana Oromada qaarkood ay ka tahriibaan Xeebta Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari