Kusimaha Duqa Magaalada Muqdisho Ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir Ciise Maxamuud Guure ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay xaaladda saameynta uu geystay Roobkii ka da’ay Magaalada Muqdisho iyo in si deg deg looga jawaabo, iyada oo uu kusimaha magacaabay guddi gaar ah oo arrintaas ka howlgalla.
Kulanka oo uu goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale iyo mas’uuliyiin kale ayaa siwyen looga hadlay xaaladaha roobka daadadka wata ee ka da’ay Magaalada Muqdisho.
Inta uu kulanka socday ayaa la faray waaxaha Dowladda Hoose ee Xamar iyo maamulada degmooyinka in sida ugu dhaqsiyaha badan looga howlgallo xalinta saameynta ballaaran oo uu daadka roobka u geestay qoysaska danta yar iyo bilicda Caasimadda.
KSaacadihii la soo dhafay waxaa Magaalada muqdisho ka da’ay roob xoogan oo biyo dhigay waddooyinka Caasimadda, qaarkoodna xiray, waxana cabasho xoogan ka muujiyay Gaadiidka ka howlgasha Magaalada Muqdisho.