Ciidamada degaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa waxaa ay weli howlgallo xoogan ka wadaan degaano hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, howlgalkaas oo shalay soo billaawday.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa shalay gudaha u galay degmada Ceeldheere oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab, iyaga oo halkaasi ku dilay Sarkaal katirsan Al-Shabaab mid kalena nolosha ku qabtay.
Saraakiisha Ciidamada Macawiisleyda ayaa sheegay in ay isku fidiyeen degaano hoostaga degmada ceeldheer, isla markaana ujeedkooda uu yahay sidii guud ahaan degaannada kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduud uga xoeryn lahaayeen Al-Shabaab.
Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay Ciidamo farabadan geysay degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe si ay ugu gudbaan degaannad kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab si ay uga saaraan Al-Shabaab.