AKHRISO:- Eeyaha oo la sheegay in ay bilaabeen cunista medadka daadsan aagga isbitaalka ugu weyn Qasa

0

Kumanaan qof ayaa laga yaabaa inay ku xayiran yihiin gudaha isbitaalka ugu weyn Qasa, sababo la xiriira dagaalka ka socda aagga u dhow Isbitaalka, halka saraakiisha caafimaadka ay ka digeen in meydadka halkaasi ku urursan ay qurmaan.

Isbitaalka Al-Shifa, oo sidoo kale la tacaalaya koronto la’aan iyo shidaal la’aan ayaa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, waxay sheegaysaa inuu qarka u saaran yahay inuu xabaalo isu badelo”,

Maamulaha isbitaalka ayaa sheegay in isbitaalka uu gebi ahaanba go’doonsan yahay”, eeyuhuna ay bilaabeen inay cunaan meydadka.

Agagaarka isbitaalka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dagaallo xooggan.