Laamaha Amniga dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulka degmada Guriceel ayaa Goob fagaaro ah maanta kusoo bandhigay Nin ku eedeysan dilka Cabdullaahi Cali Hudeey oo kamid ahaa Ganacsatada degmada Guriceel lana dhashay Taliyaha Booliska degmadaas.
Goobta fagaaraha ah ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa Odayaasha Dhaqanka degmada Guriceel iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay qeyb ka ahaa baadi-goobka C/salaam Cali Axmed oo ugu dambeyn la soo qabtay.
Odayaasha Dhaqanka degmada Guriceel ayaa uga mahad celiyay Ciidamada Ammaanka iyo Maamulka degmada soo qabashada eedeysanaha, isla markaana ay rajeeynayaan in cadaaladda la marsiiyo.
Gudoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin ayaa dhankiisa ugu baaqay Bulshada kunool degmada Guriceel inay nabad ku wada noolaadaan, sidoo kalena dadka fidnada wada ay hal meel uga soo wada jeestaan.
Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Galmudug Feysaal Caanood ayaa sheegay in laamaha Amniga Galmudug aysan ogolaan doonin in dadka si micno darro ah leysaga dilo, isla markaana cid kasta oo dhibaato geysata ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Galmudug ku batay dilalka aanooyinka qabiil la xiriira, kuwaas oo loo geysanayo dadka Ganacsatada ah