Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay ku fatahay deegaannada Buula-mareer iyo Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose, waxaana sawiro halkaas laga soo qaaday muujinayaan saameynta fataahadda.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kannaalada biyaha Webiga gudbiya ay sababeen fataahadda, waxeyna saameyn xooggan ku yeesheen dalaggii Beeraha ee dhawaan la beeray.
Sidoo kale degmooyinka Afgooye, Awdheegle iyo deegaanka jannaale ayaa iyagane Wabigu ku fattahay inkastoo aan ilaa iyo hadda wax khasaare nafeed ah la soo werin.
Gobolka Shabeellaha Hoos eoo uu maro Wabiga Shabeelle ayaa waxaa sanad walba uu kamid noqdaa Gobolada ay ka dhacaan fatahaadaha, iyada oo Boqolaal Qoys ay ku barakacaan