AKHRISO:- Dowladda Kenya oo war ka soo saartay murun ka taagnaa qaadashada Kaarka aqoonsiga

0

Dowladda Kenya ayaa hakisay go’aan ay dhawaan ka gaartay qaadashada kaarka aqoonsiga dalka iyo dokumintiyo kale kadib markii arrintan ay muran ka abuurtay gudaha dalka.

Dowladda ayaa hadda dooneysa in arrintaan ay ka talo-geliso dadweynaha ka hor inta aaney dhaqan gelin 1-da bisha January eesanadka 2024-ka.

Horey ayay u sheegtay dowladdu in lacago dheeri ah ay ku kordhisay sharciga dalka iyo warqadaha kale.

Arrintan ayaa looga falceliyay siyaabo kala duwan, iyadoo shacabka Kenya ay badankood ka soo hor jeesteen.