Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo u kuurgalayay saameynta ka dhalatay roobabkii maalmahaan ka da’ayay Magaalada Jowhar ayaa maanta booqday qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada Jowhar.
Madaxweynaha oo kormeerkiisa ay ku wehliyeen Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada, Duqa Caasimada Jowhar iyo Masuuliyiin kale ayaa booqday xaafada badda cas oo kamid ah xaafadaha uu aadka u saameeyay roobab, ayna ka socdeen dadaalo biyaha looga saarayo xaafadaas.
Madaxweynaha ayaa faray Maamulada Gobolkada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, Wasaaradda Gargaarka iyo Gudiga Gurmadka Fatahaadaha iyo Duufaanadan Elnino inay qiimeyn ku sameeyaan baaxaada daadadka iyo fatahaadaha ku dhuftay Magaalooyinka Beledweyne iyo Mahadaay oo sababay dhimasho iyo in dadku guryahoodu ka barakacaan sidoo kalana ay u kuurgalaan xaaladaha dhanka nolosha ah ee ay ku nool yihiin dadkii ka barakacay guryahooda.