Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka ka hadlay Xalada ka dhalatay Roobabka ka da’aya Magaalada Muqdisho .
Gudoomiye Madaale ayaa sheegay in Caasimadihii Aduunka oo dhan uu saameyn xooggan ku yeeshay Roobka islamarkaana sababay dhimasho dhaawac iyo Burbur, balse Magaalada Muqdisho Roobka ka da’ayo cidna ay san ku dhiman Hantiweyna aysan ku burburin.
Duqa Muqdisho ayaa dhinaca kale ku baaqay in loo gurmado Qoyasaska ay saameeyeen Daadadka Roobka iyo Fatahaadaha webiyada kuwaas oo ku soo barakacay magaalada Muqdisho.
Hadalkan ayuu Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdsisho ka jeediyay Xilli uu xariga ka jarayay dib u dhis lagu sameeyay Umberto Di Savoi ee ku taalla degmada Xamarweyne halkaas ooay dadku u soo nasiino iyo Dalxiis tagaan waana goob taariikhi ah oo ku taalla Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.