War kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland ee (PISA) ayaa waxaa lagu sheegay inay fashiliyeen Qaraxyo la doonaayey in lagu dhibaateeyo Shacabka kunool magaalada Boosaaso iyo hantidooda.
Qoraal kasoo baxay hay’adda PISA, ayaa lagu sheegay in hay’addu ay qaraxyadan fashilisay daqiiqado ka hor inta aysan kooxda soo abaabushay fulinin qaraxyadan.
Sida ka muuqatay sawirro lagasoo qaaday, waa dhowr miino oo ah kuwa dhulka lagu qariyo. Hay’adda PISA ma aysan sheegin goobaha bartilmaameedka u ahaa qaraxyadan, balse taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaraxa lala damacsanaa shirkada Dhismaha ee Bulsho iyo Shaqaalaheed.
Waxay kusoo beegmeen qaraxyadan, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay la bartilmaameedsanayay xarumaha ganacsiga ee magaalada Bosaso, waxaana muddo sanad gudaheed ah la gubay dhowr shirkadood.
Maalmo hor, qarax ayaa lagu weeraray xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Golis ee magaalada Bosaso. Hay’adaha amniga ayaa sheegay inay falalkan u dhacayaan si lacago baad ah looga qaado shirkadaha ganacsiga.