Waxaa buuq ku dhamaaday kulan ay Maanta Magaalada Garoowe ku lahaayeen Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland, kaas oo ay hortageen Guddiga gaarka ah ee guddoonka baarlamaanka Puntland u saareen, kasoo Talobixinta Xeerka Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada.
Xubnaha Guddiga ayaa laga sugayay warbixin la xiriirta waxka bedelka lagu sameynayo Xeerka doorashooyinka , balse ay isku khilaafeen taas oo buuq ka dhalisay fadhiga golaha ee Maanta.
Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubnaha Guddiga ay ayaa isku fahmi waayay qodobada wax kabedelkooda, iyaga oo muddo 8 Maalmood ah wada-hadlayay, hayeeshee ay dalbadeen in waqti dheeraad ah loogu daro.
Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa u sheegay Xubnaha Guddiga in Xeerka doorashooyinka, iyaga loo diray, isla markaana arriumo siyaasadeed aysan aheyn, taas oo kulanka buuq ka dhalisay, wuxuuna ku dhawaqay in Xubnaha Guddiga uu kala diray.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ka taagneyd cabsi la xiriirta in uu dagaal ka dhashao waxka bedelka xeerka doorashooyinka Puntland oo ay siweyn uga soo horjeedaan siyaasiyiinta mucaaradka.
Isimada Dhaqanka Puntland ayaa wada dadaalkii ugu dambeeyay ee ku aadan in uu dagaal markale ka dhaco Magaalada Garoowe, waxaana xalay ay la kulmeen Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka aqbalay in uu wada-hadal la galo Siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana sidoo kale lagu wadaa inay Maanta la kulmaan Siyaasiyiinta Mucaaradka.