Israa’iil ayaa sheegtay in hirgelinta heshiika afarta maalmood ah ee lagu joojinayo dagaalka Qasa isla markaana la isku dhaafsanayo maxaabiista la hakiyay ilaa Jimcaha.
Heshiiskan ayaa markii hore lagu waday inuu dhaqan galo subaxnimada Khamiista maanta ah. Waxaa lagu heshiiyay in Israa’iil ay sii deyso 150 qof oo Falatiiniyiin ah oo isugu jira haween iyo carruur u xiran iyaga, halka Xamaas ay iyaduna tahay inay sii deyso 50 qof oo Israa’iiliyiin ah oo ay qafaalatay 7-dii Oktoobar.
Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamiin Netanyahu, ayaa hore wacad ku maray, inay ka go’antahay inay guul ka gaaraan Xamaas, inkastoo heshiis la galay.
Hay’adaha gargaarka ayaa ka cabanaya muddada xabbad joojinta oo ay sheegen inaysan ku filnayn oo dalbaday in la kordhiyo Muddada Xaban joojinta .