Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliaya ayaa soo dhaweeyay in Soomaaliya ay ku biirto Dallada Bulhsda Afrika
Qoraal uu bartiica face soo dhigay Madaxweyne hore sheikh shariif sheikh Axmed ayaa u qornaa sidaan:
Waxaan soo dhawaynayaa guusha laga gaaray dadaalkii soo billowday 2011 ee ku biirista Dallad Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Waa guul u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed oo ay u sahlanaan doonto isu socodka wadamada ku mideysan dalladan, ganacsiga iyo suuqa xorta ah maadaama dadkeennu ku wanaagsan yahay ganacsiga.
Waxaan u mahad celinaynaa dowladaha xubnaha ka ah EAC oo aqbalay codsigii dalkeenna Soomaaliya ee kamid noqoshada Dalladan Bulshada bariga Afrika ayuu yiri’ Madaxweyne hore shariif sheikh Axmed .
Dhhinaca kale , Raii’sulwasarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeeyey ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Qoraalka Raii’sal Wasaare hore Rooble ayaa u qornaa sidaan.
“Waxaan Shacabka Soomaaliiyeed ugu hambalyeynayaa ku biirista EAC oo si rasmi ah uga mid noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ah cudud dhaqaale oo muhiim u ah maalgashiga, koboca dhaqaale iyo isu socodka shucuubta gobolka Bariga Afrika.
Waa guul weyn oo u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu ku bixiyay xaqiijinta guushaan taariikhiga ah ee muhiimka noo ah.
Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ka guul gaarista arrimaha harsan ee hortebinta u leh horumarka iyo hiigsiga dalkeenna oo ay ugu horreeyaan deyn cafinta oo heer gebogebo ah soo gaartay, la dagaallanka Alshabaab , qaadista xayiraadda hubka, gargaarka iyo arrimaha kale ee masiiriga ah ayuu yiri Ra’iisal wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble.