Soomaaliya ayaa maanta loo ogolaaday inay ku biirto dallada Bariga Afrika oo ay ku modansanyihion todoba waddan oo kala ah Kenya, Uganda, DRC, Tanzania, Burundi, Ruwabda iyo South Sudan. Soomaaliya ayaan ku noqonaysa dalki 8aad ee ku biira.
madaxweyne Xasan Sheekh io madasha ka hadlay ayaa yiri:
“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka.”