39 maxaabiis oo falastiiniyiin ah ayay Israa’iil sii daysay, waxaana dabaal dagyo laga arkayaa Daanta Galbeed ee la haysto markii ay dadku guryahooda ku soo dhaweynayeen dadkaas la sii daayay.
24- haween ah iyo 15 wiilal aan qaan gaarin oo dhalinyaro ah ayaa laga sii daayay guud ahaan barta kontorool ee Beitunia, oo u dhaw Ramallah.
Dadweyne aad u fara badan oo lulaya Calanka Filistiin ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay, waxaana dusha sare laga arkayaa rashka.
Mid ka mid ah maxbuusta Falastiiniiyiinta ah ah oo la sii daayay oo lagu magaacaabo Marah Bakeer. Waxaa la xiray sanadkii 2015-kii, iyadoo 16 sano jir ah, waxaana lagu xukumay sideed sano iyo bar oo xarig ah, kadib markii ay mindi ku weerartay askari ka tirsan booliska xadka ee Israa’iil .
Bakeer ayaa u sheegtay saxafiyiinta : “Heshiiskani waxa uu imanayaa dhimashada dad badan kadib tanina waxay naga dhigaysaa kuwa aan ku faraxsanayn oo aan daganeyn.”
Maxaabiista ayaa laga dhex doortay liis ay ku qoran yihiin 300 oo haween iyo carruur aan qaan-gaarin oo ay Israel soo diyaarisay.
In ka yar rubuc ka mid ah kuwa liiska ku jira ayaa la xukumay – inta badan waxaa lagu hayaa xabsiga iyagoo sugayay maxkamad. Inta badan kuwa liiska ku jira waa wiilal qaan-gaar ah – 40% ka mid ah waxay ka yar yihiin da’da 18. Waxaa sidoo kale jira hal gabar iyo 32 dumar ah.
Xamaas waxay qafaalatay in ka badan 200 oo qof intii lagu guda jiray weerarkii 7-dii Oktoobar halkaas oo lagu dilay 1,200 oo qof.
Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa sheegay in tirada Falastiiniyiinta ee lagu haysto xabsiyada Israa’iil iyagoo aan wax dambi ah lagu soo oogin ay kor u kacday tan iyo weerarkii 7-dii October.