AKHRISO:- Howlgallo ka billoowday degaano katirsan Gobolada Hiiraan iyo Bakool

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa howlgallo xoogan waxaa ay ka billaabeen degaano iyo degmooyin katirsan gobolada Hiiraan iyo Bakool ee dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Howlgallada ayaa Ciidamada iskaashanaya waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen degaannada Qurac-joome Ilaa Ceel-cadde oo isku jira 70Km, halkaas oo la sheegay in mararka qaar lagu arki jiray Xubno katirsan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Degaanka Qurac-joome Ee Gobolka Bakool Cideeye Maxamed Xasan ayaa Warbaahinta dowladda u xaqiijiyay in howlgallo ka bilaabeen Qurac-joome iyo deegaanada hoos yimaada, wuxuuna sheegay in dhowr degaan lala wareegay.

Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka ee howlgallada wada ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa inay heleen xog ku saaban in degaannada ay howlgallada ka sameeyeen inay isku aruursanayeen Xubno katirsan Al-Shabaab, isla markaana weeraro ay qorsheynayeen ay ka hortageen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada u dhaxeeya Qurac-joome Ilaa Ceel-cadde ayaa sheegaya in weli halkaasia y howlgallada kala duwan ka wadaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka si ay ammaanka degaannadaas u xaqiijiyaan.