AKHRISO:- Wiil yar oo gaajo ugu geeriyooday xaafad katirsan Degmada Buurdhuubo

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaafadda Muuri ee degmadaas uu gaajo aawgeed ugu geeriyooday Wiiil yar oo kamid ahaa dadka kunool Xaafadaas.

Dhacdadaan oo Maanta aad looga hadal haayo degmada Buudrhuubo ayaa timid kadib markii Wiilka yar uu ku go’doomay fatahaadaha wabiga iyo Daadadka roobka, isla markaana uu waayay wax uu cuno.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in Goobta uu Wiilka yar ku dhintay ay dad kale ku go’doonsan yihiin, taas oo ah Xaafada Muuri oo kutaalla dhanka Wabiga Buundadii go’day oo ay dadka kasoo gudbi jireen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Al-Shabaab ay diideen Doomihii ay dadka kusoo gala gudbi jireen oo labada dhinac u kala qaadi jiray, taas oo keentay in dad badan go’doomaan.

Dadka ku go’doonsan degaannada uu Wabiga ka fatahay ayaa la sheegay in xilligaan ay soo wajahday cunto yari baahsan kadib markii raashinkii ay heysteen uu ka dhamaaday, isla markaana aysan jirin gurmad ay ka heleen dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Gedo ayuu aad u saameeyay fatahaada uu geystay Wabiga Jubba iyo Daadadka ka dhashay roobka, taas oo keentay in ay dad ku dhintaan, kuwo barakacaan, halka kuwo kale ay go’doonsan yihiin.