Dowladda Qatar ayaa shaacisay in muddo laba maalmood ah lagu kordhiyay heshiiskii kordhinayo xabbad joojinta bini’aadantinimo ee Marinka Gaza, taas oo u dhaxeeysay Xamaas iyo Israa’iiliyiinta.
Afhayeenka Wasaarada arrimaha dibadda Qatar Majed Al-Ansari ayaa sheegay in muddo laba maalmood ah oo dheeri ah lagu daray xabad joojinta si gargaar loo gaarsiiyo dadka Reer Falastiin oo ay dagaallada saameeyeen.
Mareykanka Joe Biden uayaa la sheegay in uu la la hadlay ra’iisul wasaaraha Qatar iyo kan Israaiil taas oo keentay in xabad joojinta muddo dheeri ah lagu daro.
Dowladda Masar ayaa horay u sheegtay in ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu kordhiyo xabad joojintii socotay afarta maalmood oo shalay ku ekeyd.
Israel Xamaas iyo Maraykanka, oo ay dhexdhexaadinayso Qatar, ayaa si firfircoon uga wada hadlaya suurtagalnimada in lagu kordhiyo xabbad joojinta afarta maalmood ah laba maalmood oo dheeraad ah.