Saacadihii la soo dhaafay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Baay, kaas oo la sheegay in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa Ciidamada Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka ka sameeyeen nawaaxiga degaanada Mooda-moode, iyo Daynuunaay gobolka Baay.
Taliyaha Ururka 47-aad guutada 8-aad qeybta 60-aad X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Nuur Dhegeey) ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka ay ku dileen Xuseen Caddoow Jilib-gaab oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha laga qaado dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolada Baay, Bakool, iyo Gedo.
Sidoo kale taliyaha waxaa uu sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ilaa iyo inta guud ahaan degaannada Koonfur Galbeed laga saaro Al-Shabaab.