AKHRISO:- Laamaha Amniga oo xiray Goobo Ganacsi oo diiday amar kasoo baxay dowladda Soomaaliya

0

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho ka taagan caqabado ka dhashay amarka kasoo baxay Hay’adaha Amniga oo ku saabsan in Goobaha Ganacsiga lagu xiray Kaamirooyinka wax duuba ee CCTV.

Waxaa jira Goobo Ganacsi oo aad u farabadan oo qaatay ammarka dowladda iyo kuwo kale oo diiday, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay xireen Goobo Ganacsi ee diiday amarka dowladda.

Gooobo Ganacsi oo kuyaalla Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad ayaa la sheegay in laamaha amniga ay xireen, kuwaas oo diiday inay Kaamirooyinka ku xiraan goobahooda Ganacsi kadib cabsi ay ka qabaan Ururka Al-Shabaab oo u soo hanjabay.

Cabdinuur Ibraahim Cabdullaahi , oo kamid ah Falanqeeyayaasha Soomaaliyeed ayaa sheegay in dhibaatadaan taagan ay tahay mid ay rabaan Al-Shabaab oo ah in Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka ay isku dhacaan.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay la kulanto Ganacsatada Gobolka Banaadir ayna u sameeyso wacyigelin kuna qanciso inay ammaankooda sugeyso.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa si isdaba-joog ah loo qarxinayay Goobo Ganacsi oo kuyaalla Magaalada Muqdisho, kuwaas oo fuliyay ammarkii dowladda, isla markaana Goobahooda Ganacsi ku xiray Camera CCTV