Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in Puntland ay dib ugu laabanayso doorashadii baarlamaaniga ahayd ee horey lagu soo dooran jiray madaxdii hore ee Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa wuxuu sheegay inuu ka xun yahay inuu qaato go’aan uu ku joojinayo dimuqraadiyaddii Puntland, balse wuxuu sheegay, isagoo eegaya daruufaha ka jira, inuu u tanaasulay in lagu laabto doorashadii 66-da xildhibaan.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in ay jiraan qorshayaal la doonayay in Puntland gudaheeda colaad laga abaabulo, iyadoo laga faaidanayso khilaafka arrimaha doorashada.
Go’aanka uu qaatay madaxweyne Deni ayaa ku soo aadaya , iyadoo isimmada SSC- Khaatumo ay soo jeediyeen in lagu laabto doorashadii baarlamaaaniga ahayd, balse waxay ku taliyeen in baarlamaanka hadda jira isagu soo doorto madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Si kastaba , Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa inuu uu soo magacaabo Guddiga Ansixinta xildhibaanada.