AKHRISO:- Ciidamo gadoodsan oo la wareegay degaano katirsan Gobolka Bari

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo katirsan Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay Maanta xirteen isku socodka dadka iyo Gaadiidka degaano katirsan gobolkaas.

Ciidamadaan oo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland ayaa fariisin ka sameystay degaanka Jimbac oo dhinaca bari ka xiga magaalada Ceeldaahir ee gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadaan ay joojiyeen isku socodka Gaadiidka wadada dheer ee laamiga ah ee aada dhinaca Magaalada Boosaaso, isla markaana Gaadiidka farabadna ay wadadaas klu xayiran yihiin.

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa, iyaga iyo saraakiishooda waxaa ay sheegeen in aysan muddo billooyin ah qaadan wax mushaar ah, isla markaana madaxda Puntland ay ka dalbanayaan xaquuqdooda.

Tallaabadaan ay qaadeen Ciidamada katirsan Daraawiishta Puntland ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer Ciidamo katirsan Maamulkaasi Puntland oo ka cabanaya mushaar la’aan ay la wareegeen Baro-koontorool oo kuyaalla degaano ka kala tirsan Gobolada Bari#, Nugaal iyo Mudug wallow markii dambe la xaliyay