Nin Falastiini ah oo 22 jir ah ayaa ka sheekeeyay sida ay isaga iyo tobanaan kale u xidheen Ciidamada Difaaca Israa’iil ee ku sugan Waqooyiga Qaza Khamiistii.
Muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday dhacdadan ayaa aad ugu baahay baraha bulshada.
Muuqaalkan oo ay xaqiijisay BBC-da ayaa muujinaya tobanaan rag ah oo laga siibay dharka, dhulkana jilbaha loo dhigay waxaana ilaalinaya askarta Israa’iil.
Raggan ayaa loo malaynayaa in lagu qabtay Beit Lahia, oo ku taal waqooyiga fog ee marinka Qaza.
“Waxay nagu qasbeen (IDF) in aan dhex fadhino waddo muddo ku dhow saddex saacadood, ka dib waxaa noo yimid gawaari waaweyn, gacmaha ayay naga xireen indhahana way noo duubeen, meel aan la garanayn ayay na geeyeen,” ayuu yiri wiilka dhallinyarada ah oo BBC-da khadka taleefoonka ugu sheegay, isagoo codsaday inaan la shaacin magaciisa ammaankiisa awgii.
Muuqaalkan, ayaa waxaa laamiga taagan rag aad u fara badan oo u muuqda in lagu yiri iska bixiya kabaha, kuwaasi oo daadsan hareeraha wadada.
Askarta Israa’iil iyo baabuurta gaashaaman ayaa dul jooga oo ilaalinaya.
Sawirro kale ayaa muujinaya raggan oo lagu daabulay gawaari dagaal. Warbaahinta Israa’iil ayaa ku tilmaantay raggan in ay ahaayeen dagaalyahanno Xamaas ah oo isa soo dhiibay.
Markii ay gaareen halkii ay u socdeen, ninka dhalinyarada ah ayaa sheegay in si aan kala sooc lahayn loo doortay si su’aalo loo weydiiyo, isla markaana wax laga weydiiyo xiriirka ay la leeyihiin Xamaas.