AKHRISO:- Soomaaliya oo Maanta la filayo in laga cafiyo deynta Caalamka ku leeyahay

0

Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku began tahay 13-ka Bisha December in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Waxay noqon doontaa tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya u ogolaan doonta inay dib ugu biirto nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah ka dib ku dhawaad 30 sano.

Golaha sare ee Bangiga Adduunka ayaa la filayaa in maalinta Talaadada ama Arbcada ay ansixiyaan barta ugu dambeysa ee dayn cafinta Soomaaliya, sida aan kasoo xiganay xubno katirsan guddiga sare ee IMF.

Ansixintaas ka dib “Soomaaliya waxay heli doontaa deyn cafis weyn taasoo hoos u dhigi doonta deymaha dibedda looga leeyahay oo gaarayay in ka badan 4 bilyan oo dollar.

Horaantii bishaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd muddo 30 sano ah.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Caawa kulan casho ah ku casuumay xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in ujeedkiisa uu yahay dabaaldega hadii Maanta Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu leeyahay, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xams euu Xildhibaannada uga mahad celin doono shuruucda kala duwan oo ay ansixiyeen, kuwaas oo ku xirnaa in Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu leeyahay.