Warbixin: Uhuru Iyo Faroole Oo Cidla Uga Dhaqaaqay Axmed Madoobe

0

faroole-iyo-axmed-madoobeNairobi(AGGM) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) oo beryihi la soo dhaafay sheeganayey inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa saacadihii u dambeyey ahaan mid labada dhaban gacanta ku haya isla markaasna saaxibadisu uu isku haleynayey ay cidlo kaga dhaqaaqeen isla markaasna ay sheegeen inaysan xaalada gobollada Jubooyinka waxba ka qaban karrinin.

Madaxweynaha dawlada Kiiniya ayaa la sheegayaa inuu diiday inuu la kulmo Axmed Madoobe oo ay bilihi la soo dhaafay ciidamadiisu tageerayeen,waxanaa Uhuru Kiiniyaata sheegey inuusan qaabileyn Axmed Madoobe isla markaasna Qorshihii ciidamada Kiiniya ee gobollada Jubooyinka ay la wareegeen taliska ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho halkaasi oo laga maamulo ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya.

Uhuru ayaa sheegey in shirkii IGAD lagu saxeexay ay dawladiisu qallinka ku duugtey in xaalada gobollada dalka soomaaliya looga dambeeyo dawlada federaalka ah ee soomaaliya,waxaana uu sheegey inaysan dawlada soomaaliya u dhaafi karin dalkeeda isla markaasna xaq u leedahay inay waxay doonto ka sameysto gudaha dalkeeda.

Dhinaca kale Uhuru Kiniyaata ayaa daboolka ka qaaday in hawlaha ciidamadiisa ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya ay maamulkiisa ka horeyeen,waxaana uu shaaciyey in arrimahasi ay ku lug lahayd dawladii isaga ka horeysay ee uu hogaanka u ahaa Mwia Kibaki,waxaana uu sheegey inuusan aqoon qaab uu u tageero Axmed Madoobe isla markaasna uu dawlada soomaaliya uga soo horjeesto.

Dhinaca kale Faroole oo ahaa ninkii Axmed Madoobe kula taliyey inuu iskiis isu doorto isla markaasna uusan dawlada soomaalyia dheg jalaq uu siin ayaa shalay kulan daqiiqado qaatey la yeeshay  Axmed Madoobe ayaa si cad  ugu sheegey inuu la kulmay madaxweynaha dawlada Federaalka ah isla markaasna uu si cad u diiday inuu wada hadal la gallo Axmed Madoobe isla markaasna dawladiisu maamul u sameynayso gobollada Gedo iyo Jubooyinka.

Faroole ayaa Axmed Madoobe  ku wargeliyey inuu sameeyo qorshe uu ku tago Muqdisho isla markaasna uu hogaansamo amar dawlada federaalka ee soomaaliya,waxaana uu sheegey inuu isagu ku guul dareystey inuu dhexdhexaadiyo Axmed Madoobe iyo dawladda Federaalka ah,waxaana uu ugu baaqay inuu Axmed madoobe ka dego Muqdisho isla markaasna si fudud dawlada soomaaliya ugu qanci karto inay isaga iyo kooxdiisa maamul kumeel gaar ah ugu magacaabaan.

Axmed Madoobe ayaa hadalkasi aad uga xanaaqay isla markaasna huteelkii uu deganaa Faroole si carro leh uga baxay,waxaana uu ku eedeyey inuu marin habaabin ku sameeyey hawlaha magaalada kismaayo,waxaana labada masuul ku kala tageen carro iyo xanaaq,waxaana la sheegey in talabaadasi uu Axmed Madoobe ku qar waaqsade in Faroole uu Jar uga talaabsaday.

Dhinaca kale Axmed Madoobe oo ayaa maalmahan su,aalo waydiinayeen Ciidamada Sirdoonka dalalka Yemen iyo Mareynka kuwaasi oo laba jeer oo is xiga su,aalo waydiyey ku aadan dooni hub waday oo la sheegey in koox ka tirsan saraakisha ay u direen kooxaha argagixisada ah ee ku sugan dalka Yemen iyadoo doonidaasi iyo hubkeedii ay la wareegen ciidamada dalka Yemen oo gacanta ku dhigey isla markaasna ka helay waraaqo ay ku qoran yihiin meesha doonidaasi laga soo direy iyo saraakisha soo dirtey oo Axmed Madoobe kuwo la joogaa ka mid yihiin. Lama oga su,aalihii sirdoonadaasi waydiinayeen inay soo dhamaadeen iyo in wali uu nairobi ku sugnaan doono ilaa inta kooxda ku dhegan ka dhamaaneyso.

Ugu dambeyntii Faroole ayaa la sheegey inuu shalay ka dhoofay magaalada Nairobi isagoo u dhoofey wadanka Australia isagoo dhoosha dambe ka qoslaya isla markaasna aad ugu faraxsan jarka uu ka tuurey Axmed Madoobe iyo kooxdiisa,waxaana arrintaasi aad uga xumaaday saaxibadda Axmed Madoobe ku sugan kismaayo.

faroole-iyo-axmed-madoobe

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com