Xilli wali ay isa soo tarayaan Xasuuqa Ciidanka Liyu Boliska ay ugeesanayaan Dadka shacabka ah ee ku nool Xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Daglka Ethopia ayaa waxaa hadana soo badanaya cambaaraynta ay sameenayaan Waxgaradka Deegaanadaasi.
Nabadoon Cabdi Macalin Cali oo ka mid ah Waxgaradka Shacabka la xasuuqay ayaa la hadlay Allgalgaduud Media waxaana uu sheegay in Ciidanka Liyu Boliska ay saakay mar kale laayeen dad shacab ah oo barakac ku howlona isagoona ugu baaqay Xukuumadda Addis Ababa in ay wax ka qabato Gumaadkaasi.