Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa wafdi u dirtay magaalada Jig-jiga ee xarunta Dowlada deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Wafdigaan uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Mahad Max’ed Salaad ayaa waxaa ku wehliya gudoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo iyo Odayaal dhaqameed kuwaasi oo doonaya inay madaxda Dowlad Deegaanka Ethiopia kala soo hadlaan dilalka arxandarada ee ciidamada Liyuu Boolis ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud
Ciidamada Liyuu Boolis ayaa maalmihii u danbeeyay dagaalo dad badan ay ku dhinteen ka waday deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud xadna la leh Dowlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia,waxaana dadka inta badan ciidamada ay bartilaameedsanayeen u badnaa Haween iyo Carruur.
Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Bulshada Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan ayaa ka xumaaday falalka xun xun ee ciidamada Dowlad deegaanka ay ka geysanayeen deegaanadaasi.