Istiin Xasan Basto '' Ma Aqoonsani Wax Jubaland La Dhaho, Mana Aqaan Meel Ay Maamulaan ''

0

iftiinBaasto21Kismaayo(AGGM) Istiin Xasan Baasto oo dhawaan dagaalamo lagu halaagmay kula galay kooxda Raaskambooni magaalada Kismaayo ayaa maanta mar kale saxafada la hadlay,waxaana uu shaaciyey inuusan Wax maamul ah aan kiisa ahayni uu ka jiro magaalada kismaayo,waxaana uu sheegey in Maamulkiisa kaliya uu hadda inta badan magaalada Kismaayo ka taliyo.

Istiin Xasan Baasto waxaa hadaladiisa ka mid ahaa ” Anigu Ma Aqoonsani wax jubbaland lagu sheego,waxaana ka maqlaa iyagoo ka hadlaya Somalichannel, Mana Aqaan meesha ay maamulaan,Kismaayo inta badan ciidamadeena baa ku sugan,Hadii Jubbaland ka dhisan tahay Garoonka diyaaradaha kismaayo ayaga ayey u taal ”.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Maxaabiis ciidamadiisu xalay ku wareejiyeen ciidamada dawlada Siraliyoon isla markaasna isagana lagu soo wareejiyey laba askari oo dagaalkii lagu qabtey,waxaana uu sheegey inuu isagu ciidamada siraliyoon ku wareejiyey 6 ka mid ah ciidamada raaskambooni uu sheegey inuu ku qabtey dagaalkii xaafada calanley.

Sidoo kale waxaa uu daboolka ka qaaday inaan wax maamul ahi ka jirin magaalada kismaayo ayna ku wada sugan yihiin ciidamo badan oo kala mawqif ahi,waxaana uu shaaciyey in ciidamadiisu ay yihiin kuwa ugu badan ee xaafadaha magaalada ka taliya,waxaana uu sheegey in Jabhadda Raaskambooni ciidamadoodu ku sugan yihiin garoonka iyo dekedda,waxaana uu sheegey inaan Garoonka iyo dekedda kismaayo la oran Jubaland ee Jubbaland dhul balaaran yahay.

Istiin Xasan Baasto ayaa asbuucan gudihiisa in badan ka hadlay xaalada Magaalada kismaayo isagoo inta badan weerara Madaxda Jabhadda Raaskambooni iyo Ciidamada Kiiniya,waxaana arrintaasi cadeyneysaa in wali Magaalada kismaayo ay xiisadii dagaal ee dhawaan ka jirey sideedi tahay isla markaasna dagaalo hor leh ka qarxaan.

Ugu dambeyntii Istiin Xasan Baasto waxaa uu sheegey in Axmed Madoobe iyo kooxdiisu aysan u dhalan Magaalada Kismaayo isla markaasna ay ka yimaadeen degaano kale,waxaana uu shaaciyey in Magaalada Kismaayo dadkii u dhashay u tashanayaan isla markaasna ka tashanayaan sidii ay Aayahooda wax ugu qabana lahayeen iyo mustaqbalka shacabka reer jubbaland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com