iyada oo Shirka ka socda Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud uu galayo wajiyo cusub ayaa waxaa soo baxaya murano ka taagan habka loo qeybsanayo Xildhibaanada uu yeelanayo Maamulka Gobolada dhexe ee dhismihiisu ka socdo Magaalada Cadaado.
Beelaha qaar ayaa ka soo ka cabanaya Sad bursi lagu sameeyay iyo in aan lagu soo dhaweyn ka mid noqoshada Baarlamaanka Maamulkaasi uu yeelanayo.
Nabaddoon Muxiyaddiin Max’ed Guuleed waxaa uu ka mid yahay Beelaha Cabanaya,waxaana uu sheegay in Guddiga Farsamada ay ka hor taagan yihiin Xaqa ay Beeshoodu ka heli lahayd.
Hoos ka dhageyso: