TOP DHAGEYSO:- 25-sano kadib Imtixaan mideysan oo Ardayda Dugsiyada sare ay galayaan maanta.

0

Markii ugu horeysay muddo 25-sano ka dib Dowladda Somalia ayaa qaadaysa Imtixaan mideysan oo ay maamulayso Dowladda, xilli intii dalka Dowlad la’aanta uu ahaa Imtixaanaadka ay maamuli jireen Dalado Waxbarasho oo gaar loo leeyahay.

Maanta oo Isniin ah waxaa Imtixaan u fariisanaya Arday badan oo ka kala yimid Gobolada Koonfureed iyo Caasimada Muqdisho, kuwaasi oo ku xaadiraya Xarunta 15-May oo Imtixaanka looga qaadayo.

Wasiirka Waxbarashada Somalia Khadra Bashiir Ali, ayaa sheegtay in Somalia ay guul u soo hooyatay, maadaama Imtixaan mideysan 25-sano kadib la qaadaayo.

Ardayda ayeey kula dar-daarantay inaysan muujin wax walaac ah oo ku aadan Imtixaanka.

Goobta lagu qaadayo Imtixaankan oo ah Dugsigii hore ee 15-May oo ku yaallo dhabarka dambe ee Madaxtooyada, waxaa amniga si weyn u xaqiijinaya ciidamada Booliska Somalia.

HOOS KA DHAGEYSO: