Daawo Sawiradda:Kulan lagu taageerayay Go’aanka uu Baarlamaanka Fedaraalka ku diidey Baarlamaanka Jubba oo ka dhacey Magaalada Leicester ee UK.

0

Kulan ballaaran si heer sare ah loo soo abaabuley, kaasoo lagu taageerayey go’aanka uu dhawaan Baarlamaanka Fedaraalka ku diidey Baarlamaanka Jubba ayaa maalintii Axadda ahayd oo ku beegan 13.5.2014 ka dhacay magaalada Leicester.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qayb galey qaar kamid qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda reer Jubbaland ee Waddankaan UK, sida Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Cuqey, Indheergarad, Nabaddoonno, Dhalinyaro, Haween, Culamaa’uddiin, kuwaasoo dhammaantood si weyn u taageerey Go’aanka Baarlamaanka Fedaraalka ah.

Waxaa kulankaan dhinaca xiriirinta iyo qabanqaabada kaalin buuxda ka geystey Mahad Cumar Xaaji, waxaa sidoo kale dhinaca Farsamada iyo Filim qaadista gacan weyn ka geystey Asad Axmed Diiriye.

Waxaa Jaaliyadda ka qayb gashey kulankaan ay Go’aanka Baarlamaanka Fedaraalka ah ku tilmaameen tallaabbo dhaxal-gal ah oo Caddaalad ku saleysan, taasoo waddada u xaari karta in xal laga gaaro ama lasoo af-jaro dhibaato kasta oo Jirta.

Waxaa kulankaan Goob-jooge ka ahaa oo marti geliyey Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester Xasan Fareey Jacuur, kaasoo si weyn u taageerey Go’aanka Baarlamaanka Fedaraalka ah.

Aqoonyahanka iyo Siyaasiga weyn ee Dr. Cabdi Shire Warsame ayaa sidoo kale kulankaan kamid ahaa dadkii ka qayb galey, kaasoo aad u taageerey go’aanka Baarlamaanka Fedaraalka ah.

Waxaa Sidoo kale dadkii halkaas ka hadley kamid ahaa Guddoomiyaha Jaaliyadda Reer Jubbaland ee magaalada Birmingham Maxamed Cabdullaahi Cali ( Tallman), kaasoo sheegey in dhibaato kasta oo jirta looga gudbi karo Midnimo ama isku duubni dhex marta dhammaan Jaaliyadda reer Jubbaland.

Axmed Warsame Cabdulle (Biixi) oo ka mid ah Jaalayadii halkaas ka hadashey ayaa si fiican u taageeray Go.aanka Baarlamaanka Fedaraalka, asagoo xusey in Baarlamaanku yahay Hay’adda ugu sareyso dalka, sidaa awgeedna ay xukuumaddu u hoggaansanto go’aankaas uu qaatey Baarlamaanka.

Waxaa Jaaliyadda reer Jubbaland ee qayb gashey kulankaan dhammaantood ay aad u cambaareeyeen ceebtii ama foolxumadii ugu weyneyd abid oo ka dhacdey magaalada Kismaayo, taasoo ahayd in Calanka Soomaaliya dhawaan lagu gubey magaalada Kismaayo, ayagoo tallaabadaas ku micneeyey iney saldhig u tahay, Tacaddiga iyo Caddaalad-xumada ka jirta magaalada Kismaayo, isla markaana kismaayo ay tahay mid ku jirta gacan shisheeye.

Geba-gabadii kulankaan ayaa waxaa ku dhammaadey Jawi Xambaarsan Farxad iyo Yididiilo, kaasoo dhammaan Jaaliyaddii ka qayb gashey ay aad mabsuud oga wada ahaayeen, waxaanna dhammaan Jaaliyaddu isku wada raaceen in ay taageero buuxdo u hayaan Go’aanka Baarlamaanka Fedaraalka uu ku diidey Baarlammaan ku sheeggi Jubba ee ku dhisnaa Dulmiga iyo Duudsiga.

x

6

0 2 3

8

7

4

v

Daahir. F. Afdheere
Email.owsame1@yahoo.com
Leicester, United Kingdom