TOP: C/wali Gaas “Puntland waxay ka digeysaa in lagu xadgudbdo Dastuurka iyo qawaaniinta dalka”.

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka digay in lagu xadgudbo Dastuurka KMG iyo qawaaniinta dalka u yaala, isagoo xusay in haddii laga leexdo nidaamkii federaalismka ee lagu heshiiyay ay Puntland tashan doonto.

Khudbad uu shalay ka jeediyay kulankii 35aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay aheyd hooyadii iyo aabihii Federaalka Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay ku heshiisay nidaamka federalismka, dastuurka kumeel gaarka ahna wuxuu qeexayaa qaabka iyo sida dastuurka federaalku uga hirgeli karo Soomaaliya, Puntland waa aabihii iyo hooyadii faderaalka Soomaaliya, waxayna ku hamineysey mar walba Soomaaliya oo mid ah, kuna midowday habka Federaalka”ayuu yiri C/wali Gaas.

Mr Gaas ayaa sheegay in qaadka hadda loo wado Federaalka uu yahay mid ka hor imaanaya shuruucda dalka, isla markaana dhib u geysanaya maamuladii jiray.

“Haddii qaabka federaalka hadda loo wado uu noqdo mid ka hor imaanaya shuruucda dalka dhibna u geysanaya maamuladii jiray waxaa imaaneysa in dib u eegis lagu sameeyo wax kasta oo lagu heshiiyay, Puntland waxay ka digeysa in lagu xadgudubo dastuurka iyo qawaaniinta dalka, lagana fogaado wax kasta oo carqaladeynaya nidaamka dowladnimada Soomaaliya”ayuu si kulul u yiri Madaxweyne C/wali Gaas.

Puntland ayaa dhowaan ka soo horjeesatay mooshinkii uu ansixiyay Baarlamaanka Federaaka Soomaaliya ee ka dhanka ahaa dhismaha Baarlamaanka Maamulka Jubba, kaasoo horay cabasho uga timid.

Maamul goboleedyada ayaa mar walba oo ay dhinaca siyaasada isku qabtaan dowladda dhexe waxay qaataan go’aano u ek dowlad dowlad kale xiriirka u jareysa oo kale, waxayna dad badan ay qabaan in nidaamka federaalka ee hadda laga hirgelinayo Soomaaliya uu yahay mid awood badan siinaya dowlad goboleedyada, awoodii dowladda dhexena meesha ka saaraya, iyadoo mar walbana dowladda dhexe ay dhibane u tahay hadalada kulul ee ka imaanaya Maamulada wada Madaxweynayaasha ah.