Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen ayaa shaaciyay in la isku bedelay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Deyniile iyo Howl-wadaag.
Gudoomiyaha hada taliya Degmada Howl-Wadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa loo bedelayaa Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha hada taliya Degmada Deyniile Ciise Maxamuud Guure ayaa isna loo soo bedelayaa Degmada Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir.
Saacadaha Soo socda ayaa lagu wadaa in Labadaasi Gudoomiye la isku bedelo oo ay xilalka isku kala wareejiyaan.
Maamulka Gobolka Banaadir aya horay iskugu bedelay Gudoomiyeyaal dhowr ah sidoo kalena daaqada ka saaray gudoomiyaal kale oo ka qaado xilalkooda.