Madaxweynihii hore ee Turkiga Suleyman Demirel ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Ankara.
Mr Demirel ayaa ku geeriyooday da’da 90-sano jir ah, isagoo ay hayeen xanuuno kala duwan, waxaa mar laga daweeyay caabuqa ku dhaca neef-mareenka
Waxaa uu xilka Madaxweynaha uu hayay tan iyo sanadkii 1993-2000, saaka aroortii ayuu ku geeriyooday Isbitaalka Guven ee magaalada Ankara
Sidoo kale waxaa uu todobo jeer oo hore soo noqday Ra’iisul Wasaare, waxaana labo jeer xukunka ka tuuray dowladdiisa Milateriga awooda badan ee Turkiga.
Mr Demirel ayaa hogaaminayay Xisbiga Cadaalada tan iyo sanadkii 1964-1990, waxaa uu siyaasada ku soo jiray muddo 50-sano ah.
Xisbigiisa iyo tiro ka mid ah siyaasiyiinta ku jira xisbigiisa waxaa muddo laga xanibay siyaasada, kadib afgambigii milayeriga ee dhacay 1980, waxaana xanibaada laga qaaday sanadkii 1987 oo uu mar kale awooda dalka ku soo laabtay muddo todobo sano kadib.