Booliska Kenya ayaa lacago duldhigay muwaadin reer Jarmal ah oo ka tirsan Xoogaga Ururka Al Shabaab ee ka dagaalamaaya Gobolka Xeebta Kenya.
Booliska, ayaa baahiyay muuqaalka ninkaasi, inkastoo aynaan soo bandhigin magaciisa waxayna sheegeen inuu ka tirsanaa Xoogagii Al Shabaab ee Axadii Ciidanka Militariga Kenya kula dagaalamay deegaanka Buare oo ka tirsan Degmada Lamu ee Gobolka Xeebta.
Ninkaasi ayay sheegeen inuu ka baxsaday goobtii lagu dilay 11-ka nin ee Ururka Al Shabaab ka tirsanaa xilli uu ku dhaawacmay dagaalkii ay Militarig Kenya la galeen.
Booliska waxay ninkaasi duldhigeen adduun lacageed oo dhan toban milyan oo shilinga Kenya ah, lana siin doono cidii war iyo wacaal ka keentay ninkaasi.
Waxay bulshada reer Kenya ugu baaqeen inay soo sheegaan ninkaasi, iyagoo ku sifeeyay mid khatar ku ah xasiloonida dalka Kenya. Qoraal uu Boolisku soo saaray ayaa lagu sheegay inay dadaal ugu jiraan qabashada ninka reer Jarmal.
Kenya oo soo bandhigtay meydadka raggii Shabaabka ka tirsanaa ee iska horimaadka lagu dilay ayaa waxaa ka soo muuqday meydad labada nin oo caddaan ah iyadoona mid ka mid ihi la sheegay in dalka Britain uu u dhashay.