Qaraxyo ayaa ka dhacay labo masaajid oo ku taallo dalka Yemen, xilli lagu dukunaayay Salaada Taraawiixda xalay.
Wararka soo baxaya ayaa xaqiijinaya in labadaasi qarax ay ku geeriyoodeen 31-ruux, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha dhanka caafimaadka Isbitaalada Magaalda Sanca.
Qaraxyadaan ayaa waxaa sheegtay Ururka Daacish oo sheegay inay ka dambeeyeen, labada masaajid ee qaraxyada laga fuliyay ayaa waxaa ku tukanaayay dad u badan Shiicada dalka Yemen.
Dhaawacyo badan ayaa jira oo ka dhashay qaraxyada, hayeeshe weli si rasmi ah looma haayo tirada rasmiga ah ee dadka dhaawacmay.
Daacish ayaa horay qaraxyo kala duwan uga fulisay dalka Yemen, iyaga oo beegsaday xarumo ay ku sugan yihiin Shiicada Yemen.
Qaraxyada ayaa kusoo beegmaya xilli ay wadahadalo ku aaddan nabada Yemen, ayna Xuutiyiinta qeyb ka yihiin, ay ka socdaan magaalada Geneva.