Horjooge Axmed Madoobe oo ka hadlay Kulankii uu la qaatay Nicholas Kay..

0

Horjoogaha Maleeshiyaadka Raaskanbooni Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa sheegay in Nicholas Kay ay ka wada hadleen khilaafka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubba ka dhaxeeya iyo in uusan khilaafkaasi saameyn ku yeelan Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Sanadka 2016.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa sheegay in Maamulka Jubba ay Nicholas Kay u balan qaadeen khilaafka kala dhaxeeya Dowwlada Federaalka Soomaaliya in uusan saameyn ku yeelan Hiigsiga 2016 iyo in Maamulka Jubba ay diyaar u yihiin ka shaqeynta iyo dhaqan gelinta Barnaamijkaasi.