Xildhibaan Cabdi Xaashi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlaayay Kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in Kenya ay soo fara geliso dhulka Soomaaliya.
Waxa uu tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliya ay diyaar u yihin in ay ka hortagaan in la dhibaateeyo Shacabka ay masuulka ka yihiin.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay si cad ugu soo horjeedaan in Kenya ay darbi ka dhisato xadka ay la wadaagto soomaaliya.
Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in aaney suura galeyn damaca Kenya ee dhismaha darbiga ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.