TOP NEWS:- Kenya oo baahisay sawirada Al-Shabaabkii weeraray Lamu+Sawiro

0

Ciidamada booliska qaranka Kenya ayaa baahiyay sawirada 40 ruux oo laga shakiyay lana aaminsan yahay iney qeyb ka ahaayeen inka badan 160 xubnood oo Alshabaab ka tirsan kuwaasi oo qorsheynayay iney weeraraan saldhiga ciidamada Kenya ku leeyihiin Lamu.

Sawirada ayaa dhamaantood waxaa la sheegay iney ahaayeen xubno ka tirsan Alshabaab kuwaasi oo qaarkood kasoo muuqday muuqaalo Alshabaab baahiyeen oo ay ku hanjabayeen iney weeraro ka geysan doonaan Kenya.

Warbixin kasoo baxday Kenya ayaa lagu sheegay in 160 ruux ay ka tirsanaayeen unug ama qeyb kamid ah Alshabaab kuwaasi oo loogu magacdaray Ciidanka EYMAN oo qorsheynayay weerar kale oo ay ka geystaan gobolka Lamu.

Kenya ayaa guulo ka sheegatay weerarkii dhawaan Alshabaab ay u qaadeen saldhiga ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaan ka tirsan Lamu, waxaana ay sheegtay iney ku dileen rag Alshabaab ka tirsanaa oo u dhashay dalalka UK iyo Germany.

Booliska Kenya ayaa ugu dambeyn sheegay iney ka hortagayaan weeraro kale oo Alshabaab ay ka geysteen dalka Kenya, waxaana Alshabaab weerarada ugu badan ay ka geysteen gobolka waqooyi bari dalka Kenya.

al-shabaab-2