Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo u waramayay Warbaainta gudaa dalka ayaa waxa uu ka warbixiyay shirka ka socda magaalada Cadaado ee lagu yagleelayo maamul ay yeelan doonaan gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Nabadoon Xaad ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka gobolada dhexe uu sabab u yahay in Puntland Dhibkii Ay Ku Haysay Dowladda iyo dalkaba 90% Laga Bad Baado, qaylada kasoo yeeraysana ay sabab u tahay inaysan Jecleen Horumarka Gobolada Dhexe iyo in Maamul ay yeeshaan maadaama ay meesha ka saari doonaan dhamaan caqabadii Puntland ay ku aysay dalka.