Wasaaradda arrimaha gudaha iyo fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay jadwalka lagu dhameystirayo shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe ee ka socda magaalada Cadaado.
Jadwalka ayaa muujinayo waxyaabaha ay tahay in la qabto maalmaha iyo toddobaadyada soo socda, iyadoo horaanta bisha dambe lagu sheegay in la qaban doono doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka.
Maanta ayaa qorshuhu yahay in la dhaariyo xildhibaannada baarlamaanka, waxayna markaas kaddib iska dhex-dooran doonaan guddoon ku meel gaar ah.
Wasiirka arrimaha gudaha Cabdiramaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa u mahad-celiyay guddiga farsamada, maamulka Ximan iyo Xeeb, odayaasha dhaqanka iyo dhinacyadii ka qeybgalay hannaanka dhismaha maamul goboleedka tan iyo intii uu shirku furmay.