Iyadoo xalay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, diyaarad dagaal ay ka fulisay weerar qorsheysan, weerarkaasi oo lala eegtay guri uu ku sugnaa Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa Dowladda Somalia waxa ay sheegatay masuuliyada weerarkaasi.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa u sheegay Radio Muqdisho in ciidamada Sirdoonka Somalia ay ka dambeeyeen weerarkaasi oo dhacay xalay saqdii dhexe.
Maxamed Yuusuf wuxuu sheegay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan, waxaana lala eegtay ayuu yiri labo xarumood oo kala ah Saldhiga Degmada Baardheere iyo Xarunta Degmadaasi oo Shabaabka ay ku sugnaayeen Saraakiishooda.
Wuxuu sheegay in guul weyn ciidamada ay kasoo hooyeen weerarkaasi, iyaga oo badqabana ay ku soo noqdeen, halkii ay ka abaabuleen weerarka.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf, ma uusan sheegin khasaaro rasmi ah oo weerarkaan ciidamada ay ku gaarsiiyeen Shabaabka iyo sidoo kale diyaarada weerarkaan lagu fuliyay halka ay ka keeneen ciidamada Somalia.
Wuxuu kaloo sheegay in howlgalada noocaan ay bilaabeen ciidamada Sirdoonka Somalia, ayna noqon doonaan kuwa sii socda.
Lama xaqiijin karo in howlgalkii xalay laga fuliyay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ay ka dambeeyaan ciidamada Dowladda Somalia, marka laga soo tago in Dowladda ay sheegatay masuuliyada weerarkaasi.
Duqeymihii xalay ayaa la sheegay in lala beegsaday guri uu ku sugnaa Sarkaal Ururka Al Shabaab ka tirsan, waxaana daqiiqado ka dib gurigaasi isku gadaamay dagaal-yahanada Shabaabka.
Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaaya Sarkaalka duqeymahaasi lala beegsaday, balse wararka waxay xoogoodu sheegayaan in Sarkalkaasi lagu magacaabo Yuusuf Xaaji Aadan, oo isu magacaabay (Daa’uud).