Urur goboleedka bariga Afrika ee IGAD ayaa soo dhaweeyey qaadista xayiraaddii saarneyd xawaaladaha Soomaalida ee Kenya.
Xoghayaha IGAD Maxbuub Macallin ayaa ku tilmaamay tallaabadaas mid gacan siineyso bulshoooyinka adeegsada shirkadaha xawaaladaha, islamarkaana ka hortageyso saboolnimada.
Maxbuub ayaa sheegay in go’aanka uu ku oggolaaday madaxweynaha Kenya in ay xawaaladaha dib u howlgalaan ay muujineyso in madaxweynuhu kaliya aanu ka shaqeyneyn danta dadka Kenyan-ka, balse uu eegayo tan gobolka oo dhan.
Bankiga dhexe ee Kenya ayaa Isniintii ka qaadday xanibaadda 13 xawaalaha Soomaalida, taasoo keentay in ay howlahooda dib u billaabaan.
IGAD waxay kaloo ugu baaqday dowladaha iyo bankiyada reer galbeedka in ay fududeeyaan bixinta adeegyada ay siiyaan xawaaladaha si ay taas u yareyso dhibaato ka dhalan laheyd maqnaashahooda.
Kenya ayaa xirtay xawaaladaha horraantii bishii April maalmo yar kaddib markii uu dhacay weerarkii jaamacadda Garissa, waxayna u sababeysay xiritaankooda in ay adeegsadaan kooxaha dalkeeda weerarrada ka geysta.