Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa Kulankoodii Labaad oo Caadi ah ku yeeshay Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa iska dhex doortay Guddi ka kooban 9 Xubnood oo ka shaqeyn doona qaabka ugu wanaagasan ee loo soo dooranayo Guddoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa.
Xildhibaan Nadiif Maxamed Guuleed oo kamid ah Baarlamaanka Cusub ee Maamulka Galmudug ayaa u sheegay Idaacada Kulmiye in lagu rajo weyn yahay in 27-da Bishaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug la doorto,iyadoo Madaxweynahana la qorsheeyay in la doorto 4-July ee Bisha Soo socota.
Halkan Hoose Ka Dhageyso