Muqdisho(AGGM) Ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyey in dowlada Soomaaliya ay u gudbisay QM, Midowga Yurub iyo Maraykanka liis ay ku qoran yihiin Rag loogu yeeray qaswadayaal carqalad la daba jooga dowlada, waxaana ragga liiskaasi ku jira ka mid ah siyaasiyiin badan oo horey xilal uga soo qabtay dowladahii KMG ahaa ee dalka soo maray.
Liiskaan ragga ku qoran ayaa la sheegayaa in dhowaan dowladaha Yurub iyo Markeykanka qorsheynayaan iney saaraan xayiraado ay ka mid yihiin dhinaca, dhaqaalaha, safarka iyo qaar kale haddii ay ka waantoobi waayaan eedeeymaha loo jeedinayo.
Qoraalkan ayey dowladu ku sheegtay hadddii qaswadayaasha sidaan ku sii wadaan duminta dowlada ay dalka mar labaad dib ula wareegi doonaan Al-shabaab oo ay ku sheegeen in ay soo xoogeysteen Bilihii u dambeeyey ayna qaswadayaasha bilaabeen in ay majaxabiyaan dowlada uu madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh Max’uud.
Raggaan oo qaar ka mid ah magacyadood la helay ayaa haddii lagu soo roggo cunaqabteen dhanka safarka iyo dhaqaalaha dowlada ay gaari doonto horumar aysan hadda gaarin, waxaana ka mid ah C/raxmaan Faroole, Prof. Gaandhi, Shariif Xasan, Ahmed Madoobe, Axmed Cabdisalaan, Cumar Cabdirashiid iyo qaar kale oo aan wali la helin magacyadooda laakiin liiska ku jira.
Beesha caalamka ayaa mudooyinkan u soo jeesatay xasilinta Soomaaliya sida ku cad taageerada iyo hanjaabada ka soo yeereysa ee ay u jeedinayaan kooxaha dowlad diidka ah, iyadoo haddii ay hirgalaan qorshahan dowlada wadato ee cunaqabateynta loogu soo rogayo kooxaha loogu yeeray dowlad diidka asy dowlada Soomaaliya ka nasan doontaa dhibkooda.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com