Sarkaal ka tirsan Ciidamada Uganda ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Maj. Geoffrey Kyomuhendo, ayaa sheegay in geerida Denis Okech Okello ay ka danbeysay ka dib markii gaari uu la socday uu haleelay miino sida uu sheegay Al-shabaab ay ku aaseen wadada xiriirisa Deegaanada Toora-toorow iyo Baledogle oo ka wada tirsan Gobolka Sh/hoose.
Meydka Sarkaalkaan ayaa lagu aasay deegaanka Boroboro oo ku yaalo duleedka magaalada Lira ee dalkaasi Uganda.
Sida lagu daabacay wargeyska New Vision ee ka soo baxa dalka Uganda, Maj. Geoffrey Kyomuhendo ayaa Yiri” Waxaan si aad ah uga xun nahay geerida Sarkaalkeena geesiga ah,kaasi oo bishii June 17 ka dhacay wado isku xirta Tortorow iyo Baledogle.
Sidoo kale, Sarkaal ka tirsan Ciidamada Uganda ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in Mr Okello uu dhintay xilliga uu ku guda jiray waajibaadkiisa shaqo,isagoona qiray in Sarkaalka geeriyooday door muhiim ah ku lahaa qabashadii deegaanka Tora-torow Labo usbuuc ka hor geeridiisa.
Goor sii horeysay oo bishan gudaheeda,ayaa Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,waxay Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Tortorow oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.
War ka soo baxay AMISOM ayaa tacsi loogu diray Ehalada iyo dhamaan Shacabka Uganda oo ku aadan geerida Sarkaalka oo lagu tilmaamay inay ahayd mid naxdin leh.